|
|||||||
|
|||||||
Abdi Aadan Xaad (Abdi Qays ) Poet Isaaq From Q3 Abdi Qeys: Singer-Songwriter/Musician, Poet And Playwright :
Cosob iyo dhul baadloo, Geed caws ku caan oo, Iyo dhira caleemeed, Sadexdu is cidhiidhsheen, Oo darar cawaysimay , Kaga hooray cidhifyada, Qoraxduna cadaysoo, Casaan gaaban ay tahay, Oo camalka doogada, Dhulku midab cagaar yahay, Curubtii magooshiyo, Lagu mood tin iyo cidhib, Falaadhaha cadceede, Ilaahay nin caasi ah, Yaanu cududa kuu galin, Ilaahay mid cadho badan,Yaanu cidhifka kuu sudhin, Midaan caashaq kuu noqon, Yaanu calaf ba kuu galin, Noloshaadu caarcaar, Yaay cidhib xumaan noqon, Timaheedu waa culay, Camal saynata gari loo,Caaro looga duwin faras, Caynadeeda guud ke, Cadaan haw badnaatee, Indhaheedu waa cawl, Cidhifkana madooboo, Nuur lagu cidaadshe,Curdin weeye uguboo, Oon seed ku celisiyo, lafa culus lahaynoo, Cunaha kuu maraysoo, Caydhin yahay jidhkeedu ye, Ilaahay nin caasi ah, Yaanu cududa kuu galin, Ilaahay mid cadho badan, Yaanu cidhifka kuu sudhin, Midaan caashaq kuu noqon, Yaanu calaf ba kuu galin, Noloshaadu caarcaar, Yaay cidhib xumaan noqon. The End
|
|||||||
| 2008 (c) Copyright DjiboutiCentre, inc. All rights reserved. Read Legal Policy and Privacy Policy. |